Monday, May 8, 2017

Suldaanka Guud ee Akisho Oo Minaasibad Qado Sharaf Ah Ku Kulmiyey Mucaaridka Iyo Muxaafidka iyo Madaxdhaqameedka Somaliland

Suldaanka Guud ee Akisho Oo Minaasibad Qado Sharaf Ah Ku Kulmiyey Mucaaridka Iyo Muxaafidka iyo Madaxdhaqameedka Somaliland


(Hadhwanaagnews) Sunday, January 22, 2017 00:05:50
Munaasibadan Qado Sharafta ah oo lagu qabtey Caasimada Hargeysa gaar ahaana Huteelka Green-Palaza Waxa ku dhamaa


Hargeysa(HWN)-Suldaanka Guud ee Beesha Akisho Suldaan Abshir Xasan Cali ee dhawaan lagu Caleemasaarey Magaalada Gabiley ayaa markii u horeysay Munaasibad Qado Sharaf Sooryeed ah Ku Maamuusey Masuulyiinta Xisbiyada Qaranka iyo Salaadiinta Somaliland taas,oo kasoo qeybgalkii si mug leh soo ajiibay.
Munaasibadan Qado Sharafta ah oo lagu qabtey Caasimada Hargeysa gaar ahaana Huteelka Green-Palaza Waxa ku dhamaa kasoo qeybgalkeeda Boqoro, Salaadiin,Uggasyo, Cuqaal Aqoonyahano , Wasiiro, xubno ka tirsan mucaaridka iyo marti sharaf kale.
Munaasibadaasi kadib waxa hadalo ka jeediyay madasha Martiqaadka Suldaanka Guud ee Beesha Akisho Masuulyiin,Salaadiin iyo Siyaasiyiin dhamaantood

ka mahad celiyay martiqaadka Suldaanka Guud ee Beesha Akisho ku kulmiyay.

Waxaana kamid ahaa dadkii ka Hadley Suldaanka Guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Sul. Cabdiraxmaan, Boqor Maxamuud Boqor Magaadle Dir,Ugaas Cismaan Jabane,Suldaan Maxamuud Axmed Suldaan,Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan,Ugaas Cabdilaahi Xasan Xawaareeye,Suldaan Mawliid Ibraahim Cali(Sabeyse),Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed,Wasiiru Dawlaha Amniga ee Wasaarada Arimaha Guadaha Maxamed Muuse Diiriye,Wasiirka Ciyaaraha Cabdirisaaq Waabari Rooble,Wasiir Kuxigeenka hidaha iyo Dhaqanka,Siyaasi Cismaan Xasan Mire,Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Xukuumadii Rayaale Sheekh Maxamuud Sheekh Suufi.
Waxa kaloo oo isaguna halkaa hadal gunaanad ah ku khatimey Suldaanka Guud ee Beesha Akisho Suldaan Abshir Xasan Cali oo ku duceeyay in abaarta illaahay kasoo jabiyo Shacbiga Somaliland umadana bogeeda burcad isu mariyo.
Waxaanay munaasinadaasi martiqaadka ah ee Suldaanka Guud ee Beesha Akisho ku martiqaadey Xukuumada Xisbiyada,Salaadiinta Aqoonyahanka,Waxgaradka iyo Madaxdhaqameedka Somaliland ku dhamaatey jawi aad u wanaagsan.

Blog Archive